Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tegay xarumaha maxkamadaha kala duwan ee dalka iyo xeer ilaalinta guud, waxaana uu  u kuurgalay hannaanka ay shaqada garsoor ee ay bulshada u hayaan ka socoto, isaga oo sidoo kale xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyey xarunta maxkamadda sare ee dalka.

 

 

 

Hargeysa(RH)Wiil 8-jir ah oo Magaciisa lagu sheegay Yaxye Cabdilaahi Xuseen ayuu waraabe ku cunay Deegaanka Cabdi Geedi ee Xeebta Wooyi ee Magaalada Hargeysa,kaasi oo markii dambe laga soo riday Dhurwaagii qaatay islamarkaana isagoo dhaawac halis ah qaba loola cararay Dhinaca Dalka Jabuuti oo uu markii dambe ku geeriyooday,Waxaanay dadka Deegaanku sheegeen inuu wiilkaasi yahay kii Afraad ee uu Xayawaanka Waraabuhu sanadkan oo qudha ku cunay deegaanka Cabdi Geedi.

 

Jig-jiga(RH)Waxaa  magaalada jig-jiga lagu soo gabagabeeyay tababar maalmahanba Uga socday mas'uuliyiinta iyo khabiirada 6da maamul-magaalo ee deegaanka islamarkaana uu soo agaasimaay xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha DDSI. Iyadoo tababarkana ujeedadiisu ahayd kor uqadisa awooda fulineed ee masuuliyiinta iyo khabiirada MM, kuna baranayeen casharo laxidhiidha istaraatijiyadaha iyo siyaasadaha horumarinta magaalooyinka iyo waliba shuruucda mashruucyada cusub ee MM.

 

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socday Guddiga Caalamiga ah ee ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa Guddida Caalamiga ee Laanqeyrta Cas, Mr. Simon Brooks.

 

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/WM/222-157/072018, ku magacaabay ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee qaranka.

 

Muqdisho(RH)Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shir-gudoomiyay kulanka Tubta siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlayay dabagalka iyo dhaqan gelinta qodobbadii kasoo baxay shirkii amniga Qaranka ee Baydhabo iyo diyaar garowga shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliyeed (Somali partnership forum) ee dhawaan ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium.

 

Hargeysa(RH)Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa  ibo-furay mashruuc ballaadhan oo lagu daah-furay wajiga saddexaad ee Barnaamijka maamul-daadejinta dawladaha hoose ee JPLG-da, isla markaana dib loogu qiimaynayey faa’iidooyinkii laga dheefay wajiyadii koowaad iyo labaad ee Barnaamijkan oo hore u dhammaaday.

Hargeysa(RH)Waxaa soo baxaya Warar ku saabsan in Dhulgariir uu  saameeyn doono Xeebaha Bari e Soomaaliya, waxaana laga digayaa in uu khasaare ugeeysto dadka iyo deegaankaasi.

 

Website-ka ka faalooda Arrimaha dhulgariirka ayaa daabacay in dhulgariirku uu  Soomaaliya ka saameeyn doono Tuuladda ku taala Xeebta Gobolka Bari ee Bareeda oo u dhow Degmadda Caluula.

 

Hargeysa(RH)Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa maanta magaalada Hargeysa ka furey  Shir  hordhac u ah dib u eegida xeerka saxaafada Somaliland ee XEER NO 27/2004 kaasi oo  mudo qabyo ahaa ,waxaana madashaasi ka soo qayb galay Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-galinta C.raxmaan C/laahi Faarax (Guri-barwaaqo), Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac(Xuuto),Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-galinta Cali Maxamed Cali, garyaqaano,suxufiyiin iyo qaar ka