Madaxweynaha Somaliland Oo Sameeyey Magacaabis Cusub

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/WM/222-157/072018, ku magacaabay ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee qaranka.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Markaan Arkay:                  Qodobka 90aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Tixgeliyey:          Ahmiyadda uu ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud u leeyahay dhisimaha Qaranka

 

Markaan Arkay:                  In baahi loo qabo buuxinta jagada Ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka

 

Markaan Fiirsaday:             Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markaan Sameeyey:           In uu hanan karo xilkan;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In Mudane, Sacad Cabdi Cabdilaahi Riiraash, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/WM/222-156/072018, ku magacaabay Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Markaan Arkay:                  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay:                  Xeerka Komishanka Xuquuqul Aadamah, Xeer Lr. 39/2010;

 

Markaan Helay:                   Qoraalka Guddida Xulista Xubnaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha;  

 

Markaan Tixgeliyey:          Ahmiyadda Komishanka Xuquuqul Aadamuhu u leedahay Dhismaha, Sumcaddda iyo Horumarka Qaranka;

 

Markaan Sameeyey:           La-tashi Ballaadhan;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan u magacaabo xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin in ay noqdaan Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka:

 

Tir.

Magaca

Xilka

1.

Maxamed Baaruud Cali

Xubin

2.

Rooda Axmed Yaasiin

Xubin

3.

Muuse Cismaan Warsame

Xubin

4.

Saleebaan Warsame Guuleed

Xubin

5.

Waris Abshir Xaaji Diiriye

Xubin

6.

Cumar Maxamuud Xuseen

Xubin

7.

Cabdirashiid Siciid Cindi 

Xubin

 

Category