Dhul Gariir Laga Cabsi Qabo In Uu Ku Dhufto Bariga Soomaaliya

Hargeysa(RH)Waxaa soo baxaya Warar ku saabsan in Dhulgariir uu  saameeyn doono Xeebaha Bari e Soomaaliya, waxaana laga digayaa in uu khasaare ugeeysto dadka iyo deegaankaasi.

 

Website-ka ka faalooda Arrimaha dhulgariirka ayaa daabacay in dhulgariirku uu  Soomaaliya ka saameeyn doono Tuuladda ku taala Xeebta Gobolka Bari ee Bareeda oo u dhow Degmadda Caluula.

 

Website-ka lagu Daabacay Xogta dhulgariirka laxiriirta ayaa lagu sheegay in Dhulgariirkaan uu heerkiisu yahay mid dhexe.Heerka cabiraadda Dhulgariiryadda waxaa lagu sheegay in uu Noqon doono 4.5, Halka qotada hoose ee dhulka uu dhulgariirku gaari doonana ay tahay 10 KM.

 

Maanta oo ay taariikhdu tahay 30-Jun-18 ayaa la sheegay in dhul gariirkaan laga filanayo Xeebaha bari ee Soomaaliya, Xuduntiisuna waxay Noqondoontaa sida Saadaalada lagu sheegay Bareeda.

 

Dhulgariirkaan ee laga digayo ayaa waxaa laga dareemi karaa meesha xudunta u ah iyo dhulka ka agdhow, waxaana uu qasaare u geeysan karaa Nolosha banii aadamka, sidoo kale waxaa uu sababi karaa bur-bur dhismooyinka, waxaa sidaas lagu daabacay barta ka faaloota musiibooyinka Dabiiciga ah ee natural Hazards.ch.

 

Dadka guryaha ku jira marka uu dhulgariirka Sameeyo  waxaa haboon in ay ka fogaaadaan darbiyada jilicsan, waxyaabaha soo dhacaya ee dhismooyinka saran, iyo in ay ka fogaadan Daaqadaha oo laga yaabo in ay soo go’aan.

 

Dadka Banaanka jooga ee aan ku jirin Dhismaha waxaa haboon in ay sameeyaan inta uu dhulgariirku socda in ay banaanka joogaan oo aysamn dhismooyinka galin ama aysan raadksan gabaad.

 

Dadka gawaarida ku jira waxaa haboon in ay istaagan oo aysan dhaq-dhaqaaqin inta uu dhul gariirku socda, waana in ay ka fogadaan buundooyinka.

Category