Warar

Cismaan Cali Cismaan waa shakhsi si weyn looga yaqaano dalka Denmark, gaar ahaan gudaha magaalada Odense, waana shakhsi saldhig unoqdey ololaha doorashada Denmark ee dhacaysa 24. bishan Maarso.2026, kaas oo xisbiyada xagjirka ahi doodwalba keenaan sawirkiisa iyo kiiskiisa iyaga oo dawlada ku dhaleeceeya sababta ninka loo mastaafurin waayey iyo deegaannada hoos yimaada, isagoo lagu tilmaamo mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxaha burcadda ah ee ka dhisan Denmark.