Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa (RH)Guud ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dareenkoodu mar qudha cirka isku-shareeray, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in la weedhaaminayo qorshe Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu ku imanayo Magaalada Hargeysa, taas oo sida la tibaaxay ay ku howlan yihiin hoggaamiyeyaal ay kamid yihiin Reysal-wasaaraha Itoobiya Abbiy Axmed.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Somaliland  iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ku Joogay Dalka Itoobiya ayaa galabta Dalka dib ugu soo laabtay

Waxaana soo noqoshada madaxweynaha iyo weftigiisa warbaahinta uga warbixiyey wixii u qabsoomay intii ay ku sugnaayeen dalka itoobiya iyo kulamadii kala duwanaa ee ay la yeesheen madaxda qaarada Afrika, wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)

 

Hargeysa(RH)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti balaadhan oo ka socday hay’adda UNCDF oo u qaabilsan adduunka horumarinta dhaqaalaha ee dawladda hoose oo uu hoggaaminayey David Jackson oo ah agaasimaha guud ee 39-ka dawladdood ee ka soo koraya dhinaca dhaqaalaha.