Warar

Magaalada London ayaa todobaadkan abaalmarin xagga qoraalka ah lagu guddoonsiiyey Nadiifo Maxamed oo ah gabadh Soomaali ah heysatana dhalashada Ingiriiska, oo wax ka qorto arrimaha dhaqanka Soomaalida. 

Nadiifa ayaa dhawaan qortay buug ay ugu magac dartay Fortune Men kaasoo ah kan abaalmarinta ay ku siisay hay’ad la yiraahdo Muslim News ee fadhigeedu yahay UK.  Horay ayey abaalmarinno ugu guulaysatay Nadiifo.

Nadiifo ayaa haatan la siiyay abaal marinta loo yaqaano Alhambra Award For Excellence oo ay bixiyaan ururka saxaafadda Muslimiinta ee UK.