Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray shaqaale iyo dhakhaatiir loo tababaray ka hortagga  iyo la tacaalista xannuunka ka dillaacay dalka Shiinaha ee CORONAVIRUS, oo dalalka caalamku dedaal ugu jiraan xakamayntiisa.

 

Nairobi(RH):- “Somaliland waxay raadineysaa inay sii ballaadhiso xidhiidhka ay la leedahay Jarmalka, sida horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga shisheeye.” Sida waxa lagu sheegay kulan dhexmaray Safiirka Somaliland  ee Kenya iyo  Agaasimaha Baanka KFW ee Jarmalka.

 

Saylac(RH)Ciidanka Illaalada Xeebaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa howlgal socday in ka badan 48 saacadood oo ay ka sameeyeen Xeebaha galbeedka iyo Waqooyiga kaga hortegay Markab jiidayey xadhig nooca Isgaadhsiinta xambaara oo laga leeyahay Dalka Djibouti, kaasoo la doonayey in sifo sharci darro ah lagu mariyo biyaha Somaliland, iyadoo loo jeediyo dhinaca Soomaaliya.