
RH: Magaalada Kolding ee dalka Denmark ayaa isbedel qurux badan lagu samaynayaa barxadda hore ee xarunta tareenada ee magaaladaasi (Banegårdspladsen). Mashruucan cusub oo loogu magac daray Verdensmålspladsen ayaa noqon doona meel cagaaran oo lagu nasto, waxaana laga abuuri doonaa beer lagu tallaalay ubaxyo, dhir gaaban iyo geedo, iyadoo sidoo kale la dhigi doono kuraas casri ah oo loogu talo galay dadweynaha.
Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshe ay degmada Kolding ku dooneyso inay ku kordhiso cagaarka iyo dabiicadda magaalada dhexdeeda. Mashruucan oo si tijaabo ah loo wado ayaa socon doona ilaa dhammaadka sannadka 2026, waxaana marka jiilaalka la gaaro dhammaan dhirta iyo qalabka kale loo wareejin doonaa goobo kale oo magaalada ka tirsan.
Si kastaba ha ahaatee, arrintani waxay saameyn ku yeelan doontaa goobaha gawaarida la dhigto, iyadoo 21 goobood oo kamid ah 72-ka goobood ee hore loogu baakin jiray gawaarida ay xiran yihiin bilaha April ilaa Oktoobar sannad kasta inta mashruucani socdo. Meelaha la xirayo waxaa ka mid ah 14 goobood oo ku yaalla afaafka hore ee maktabadda magaalada (Biblioteket), iyo 7 goobood oo gaadiidka lagu baakimo muddo gaaban oo 15 daqiiqo ah kuwaasoo ku yaalla afaafka hore ee xarunta tareenada.
Waxaa xusid mudan in naqshadda kuraasta cusub ay sameyn doonaan ardayda farsamada gacanta ee ka socota dugsiga Hansenberg ee magaalada Kolding.
Radio Hormuud wehelka dhabta ah,
wararka wadanka Denmark