
RH: Sannadkii 2015, xilliggii uu jiray qulqulkii qaxootiga, waxaa burburay xadka dibadda ee Midowga Yurub, gaar ahaan dhanka Talyaaniga iyo Griiga. Warkii ka soo baxay Jarmalka iyo Iswiidhan ee sheegayay in qaxootigu heli karaan magangelyo dalalkooda ayaa keenay in kumannaan qof ay safar ku maraan qaaradda Yurub.
Sannadkii hore (2024), Denmark waxa ay siisay magangelyo qiyaastii 860 qof, sida ay muujinayaan xogta ka soo baxday Hay’adda Socdaalka Denmark (Udlændingestyrelsen).
Tani waxay ka dhigan tahay hoos u dhac dhan 35% marka loo eego sannadkii 2023.
Tirada dadka loo oggolaaday magangelyada waa heerkii ugu hooseeyay ee la diiwaangeliyo tan iyo 40 sano ee la soo dhaafay, marka laga reebo sannadkii 2020 oo uu cudurka COVID-19 saameeyay dhammaan dhaq-dhaqaaqyada socdaalka.
Wasiirka Socdaalka iyo Isdhexgalka Denmark, Kaare Dybvad Bek (S), ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay tirada hooseysa ee dadka helaya magangelyada.
Wuxuu yiri:
"Waa muhiim in bulshadeennu ay si isku dheelitiran u sii socoto oo aanan la kulmin qulqul weyn oo magangelyo-doon ah, si isdhexgalka bulshada uu ula jaanqaado. Waxaan si aad ah ugu faraxsanahay tirada hooseysa ee magangelyo la siiyay, waxaana hubaa in siyaasaddeenna adag ee socdaalka ay sabab u tahay hoos u dhacaasi."
Tirada dadka magangelyo helay ayaa si joogto ah u yaraanaysay tan iyo 2015, markaas oo ay soogaleen qaxootiga ugu badan ee ka yimid Syria.
Markii la barbar dhigo sannadkii 2015, waxaa markaas magangelyo la siiyay 10,849 qof.
Sannadkii 2024, waxaa Denmark magangelyo ka codsaday 2300 qof, kuwaas oo intooda badan ka yimid Syria iyo Afghanistan.
Dadka ka soo jeeda Syria ee codsaday magangelyo waxay la mid ahaayeen tiradoodii sannadkii 2023, balse kuwa ka yimid Afghanistan way yaraadeen – waxay hoos uga dhaceen 443 qof (2023) ilaa 185 qof (2024).
Sida uu sharcigu qabo, qofkii cabsiyo dhab ah ka qaba inuu dhibaato la kulmo sababo la xiriira isirka, diinta ama aragtidiisa siyaasadeed waxaa la siiyaa magangelyo si loogu ilaaliyo.
Magangelyadu waa sharci kumeel gaar ah, waxaana lagu siiya qofka inuu joogo Denmark ilaa laga gaarayo xilliga uu ka nabadgalo wadankiisii.
Xogtu waxay xustay in dadka helay magangelyo aysan ku jirin dadka Ukraine ka yimid ee helay sharciga gaarka ah ee loo sameeyay qaxootiga Ukraine. Sharcigan ayaa u oggolaanaya muwaadiniinta Ukraine inay shaqo helaan ama waxbarasho bilaabaan, wuxuuna dhaqan galay ilaa 17-ka Maarso 2026.
Xogta ka soo baxday Hay'adda Tirakoobka Denmark waxay muujinaysaa in intii u dhaxaysay 2022–2023 ay Denmark u soo haajireen 40,000 oo qof oo Ukraine u dhashay, halka 11,000 ay dib uga dhoofeen.
Diyaariyey: Mohamed-Amiin – Radio Hormuud.