
RH: Maayarada magaalooyinka Odensa iyo Aarhus waxay ka codsanayaan wasiirka cadaaladda inuu adkeeyo xeerarka lagula dagaalamayo qoysaska dambiilayaasha ah, kuwaas oo la sheegay inay ku lug leeyihiin dambiyo abaabulan sida ka ganacsiga daroogada, rabshado, iyo hanjabaado.
Magaalada Odense, waxaa jira 8-10 qoys oo asal ahaan ajaanib ah oo la sheegay inay yihiin dambiilayaal abaabulan, ayna uga gudbinayaan dambiyada jiilba jiil kale. Tani waxay ku kacaysaa dhaqaale badan, gaar ahaan daryeelka carruurta laga fogeeyo ama laga qaado qoysaskan.
Maayarka Odensa, Peter Rahbæk Juel, wuxuu rabaa in qoysaskan loo adeegsado sharciga kooxaha dambiilayaasha, taasoo keeni karta:
- Xabsi dheer
- In laga mamnuuco degaano gaar ah
- Tarxiil
- Baaris xooggan oo lagu sameeyo xubnaha qoysaskaas.
Si taas loola dagaalamo, waxay doonayaan in sharciga kooxaha dambiilayaasha (bandepakken) loo isticmaalo qoysaskaas. Laakiin khubaro sharciyeed iyo cilmi-baareyaal waxay ka digayaan in arrintani ay sii kordhin karto dambiyada, isla markaana ay dhimi karto fursadaha hortagga dambiyada.
Dowladda, gaar ahaan wasiirka cadaaladda, Peter Hummelgaard, wuxuu taageeray soo jeedinta duqa degmada Odense, isagoo sheegay inay lagama maarmaan tahay in la xakameeyo qoysaska dambiilayaasha ah si loo sugo nabadgelyada bulshada.