Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Ceerigaabo(RH)Dablay Hubaysan ayaa Gobolka Sanaag ka afduubtay Gaadhi ka mid ah gaadiidka u shaqeeya Xarumaha Caafimaadka ee Gobolkaasi, kaasi oo markii dambe la soo dhigay sawirkiisa Baraha Bulshadu ku xidhiidho,islamarkaana lagu muujiyay koox dhalinyaro ah oo hubaysan oo gaadhigaasi la tagtay,waxa sidoo kale shir jaraa’id ku qabtay Gobolkaasi Salaadiin iyo waxgaradka ka soo jeeda beel degta Gobolkaasi,Waxaanay Xukuumadda Ugu Hanjabeen inay dagaal ka ridayaan Hargeysa,Burco iyo Berbera haddaan ooda laga qaadin saddex nin oo Hargeysa kaga xidhan.

Hargeysa(RH):-Kal-fadhigii 19-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee golaha wasiirradu ku leeyahay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland ee Magaalada hargeysa, waxana lagaga dooday, laguna ansixiyey xeerar iyo siyaasada horumarka qaranka .

 

Hargeysa(RH)Waxaa Maanta si Nabada oo Xasilooni ku Dheehantahay looga Ciiday Gobolada,Degmooyinka,Tuulooyinka iyo Guud ahaanba Deegaanada kala Duwan ee Somaliland

Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qayb-galay gudashada salaadda Ciidal Al-adxada oo maanta la oogay.

Hargeysa(RH)Wasaaradda hawlaha guud ee JSL ayaa hakisay dhisme dib u habayn ah oo laga waday hoteelka caanka ah ee Hargeisa Club oo dadka hadda dhisanayaa u bedeleen magaciisa Olympic hotel. Hoteelka ayaa wuxuu Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin muddo 20 sanandood ah inuu kiraysto u qoray Suldaan Siciid Maxamed Ducaale.