Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadda kursiga Madaxtinimada dalka ku fadhiyey muddo 9-bilood ah, ayaa ay Xukuumaddiisa soo wajaheen caqabado badan oo la xidhiidha tabashooyin kaga imanaayey beelaha Somaliland oo aad u saluugsan dhismaha Xukuumaddiisa. Waxaana la sheegay in Madaxweynahu uu hadda diyaar u yahay sida oo kale na uu qorsheeyey siddii uu uga jawaabi lahaa tabashooyinka ka soo yeedhaya beelaha Somaliland.