Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Laas-caanood(RH)Guddi  culimo ah oo madax-bannaan  ayaa maanta  ka soo saaray magaalada Laascaanood  11 qoddob oo ay u kala xukumeen  laba beelood oo walaalo ah oo wada degan  koonfurta Sool oo shaqaaqooyin khasaare dhimasho sababtay ay dhowaan ku dhexmartay  gobolka Sool.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay shirweyne heer sare ah oo lagu falanqaynayo guulihii ay Somaliland gaadhay muddadii 27-ka sano ahayd ee ay jirtey iyo caqabadihii soo wajahay, kaas oo ay kasoo qayb-galeen wufuud caalami ah oo ka socota dalal kala duwan oo dunida ah, hay’addo diblomaasiyiin, siyaasiyiin, safiirro, shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada,  xildhibaanno, hoggaanka axsaabta qaranka, , haldoor ka socday dalalka Jaarka ee Jabuuti iyo Itoobiya iyo marti-sharaf kale

Hargeysa(RH)Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Maxamed Muuse Abees. Oo warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa magaalada hargeysa ayaa ka hadlay dagaal xalay dhexmaray ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Puntland.

 

Laascanood(RH)Aabbo Jaamac Ceydiid Cabdi oo da’diisu tahay 45-sanno jir, ahna qof labada lugood naafo ka ah, waxaa uu magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kaga shaqeystaa gaadhi ah nooca loogu talo galay dadka naafada ah, amase curyaamintu ay isticmaalaana, kaasi oo muddo hadda laga joogo sagaal bilood uu ugu deeqay nin ganacsade ahi.

Bali-gubadle(RH)Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Hawd cabdisamad xaashi Axmed ayaan xafiiskiisa ka soo Xaadirin intan iyo intii loo magacaabay Xilkaasi Sanadkii 2016 kii.

Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Hawd ayaa gabay shaqadii qaran ee loo igmaday isagoo ilaa hada kaga mashquulsan Arimo ganacsi iyo dano gaara oo shakhsi .isla markaana aan maalin U Soo shaqo-tagin xafiiskiisa magaalada Bali-gubadle ee xarunta gobolka hawd

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda dalka Ingiriiska oo ay hoggaaminayso wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Afrika, ahna madaxa hay’adda horumarinta caalamiga ah ee DFID. Harriett Baldwin.

 

Hargeysa(RH)Ciidanka Booliska Somaliland ayaa maanta ka hadley Qoys degan koonfurta Magaalada Hargeysa gaar ahaana meel u dhow degmadda Faroweyne ee gobolka Maroodi jeex oo xalay koox deblay ah oo aan la aqoonsan ku weerartay rasaas iyo dab ay qabadsiiyaan qoyskaasi.