Somaliland Oo ka Hadashay Dagaal Xalay Dhexmarey Puntland

Hargeysa(RH)Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Maxamed Muuse Abees. Oo warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa magaalada hargeysa ayaa ka hadlay dagaal xalay dhexmaray ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Puntland.

 

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Maxamed Muuse Abees. Ayaa dagaalkaasi ku eedeeyey maamul goboleedka Puntland isla markaasina waxaa uu sheegay in hal Askari uu kaga dhintey Ciidanka Somaliland Dagaal Xalay ka dhacay Tukaraq.

 

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta waxaa uu intaasi ku darey in Ciidamada Puntland oo isticmaalaya Hub Casri iyo Qalabka loogu talo galay in Habeenkii Lagu dagaal galo ay  ku soo weerareen Fadhiisinka Ciidamada Somaliland ee Jiida Tukaraq.

 

Category