Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 24-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa  waxa lagu lafo-guray hannaanka wada-shaqayneed ee hay’adaha qaramada midoobay (UN), kuwa caalamiga ah iyo xukuumadda Somaliland, waxaanu goluhu warbixinta amniga ka dhegaystay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Boorama(RH)Kulankii ururka dawladdaha hoose ee Somaliland ayaa maanta ka furmay degmadda Borame ee caasimadda gobolka Awdal, kulankaas oo sannadkiiba hal mar lagu qabto magaalo madaxyadda goboladda dalka ayaa waxa lagaga hadlayaa qorshaha dawladdaha hoose ee Somaliland, gaar ahaan dejinta qorshaha gaaban iyo ka dheer  iyo wixii ay qaban lahaayeen.

Hargeysa(RH)Qaar ka mid ah  Culimada Magaalo Madaxda Somaliland ee Hargeysa ayaa baaq Ku Aaddan Deminta Colaadda Gobolka Sool soo saaray Culimadan ayaa tacsi u diray dadka ku waxyeeloobay Colaadan sidoo kalena dagaalkan ku tilmaamay mid xaaraan ah, Baaqa Culimada oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Radio Hormuud  ayaa u dhignaa Sidan:-

 

Hargeysa(RH)Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kormeer ballaadhan kusoo maray kayd-biyood yadda caasimadda Hargaysa, sidoo kalana ka qaybgalay xaflad xadhigaga lagaga jaray kayd biyood cusub oo laga hir geliyay koonfurta magaalada Haragysa .