Xukuumadda Somaliland Oo Dalka ka Mamnuucday Qalabka lagu Baadho Macdanta

Hargeysa(RH)Wasaaradda Macdanta  iyo Tamarta Somaliland ayaa  mamnuucday  in lala soo dego ama lagu  adeegsado dalka gudihiisa  qalabka macdanta lagu isticmaalo.

Wareegto uu soo saaray   wasiirka Tamarta iyo Macdanta Jaamac Maxamuud Cigaal oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay  Xafiiska Warqabadka Warbaahinta Hormuud , ayaa lagu sheegay in wasaaradda Tamarta iyo macdanta oo gudanaysa waajibkeeda  shaqo in dalka laga mamnuucay qalabka Macdanta.

Qoraalkan ka soo baxay xafiiska wasiirka waxa lagu bayaamiyey saddexdan qoddob ee hoos ku xusan:-

1.Iyadoo laga hortageyo dhibaato ka iman karta soo galida waddanka qalab aan u diwaangashanayn hay’daha ku shaqada leh, wasaaradda tamartu waxay joojisay in waddanka la soo galiyo qalabka macdanta ku lug leh oo aan ogolaashiyo ka haysan wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.

 

2. In wixii qalab ah ee la xidhiidha Macdanta laguna haysto dalka gudihiisa laga diwaangaliyo wasaaradda Tamarta iyo Macdanta muddo 30 maalmood ah

 

3.Laga bilaabo dhammaadka 30kaa maalmood oo ku beegan 21ka bisha 11-aad 2018ka qalabka aan diwaangashanayn wuxuu  noqonayaa sharci daro,waxaana laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan.”

Category