Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Wasiirka wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa 194 Arday oo Xaafidul Qur’aan ah u furay tartan oo saddexda arday ee ugu sarreeyaa dalka Jabuuti kaga qaybgeli doonaan Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee bisha barakaysan ee Ramadaan oo lagu qabanayo magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Berbera(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera ee gobolka Saaxil, ayaa maanta xadhigga ka jaray mashaariic waddooyin iyo dhismeyaal isugu jira oo laga hirgeliyey gudaha magaalada magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

 

Berbera(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray Qalab cusub oo lagu soo kordhiyey Adeegyada Dekeda Berbera kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen saddex wiish (Mobile Harbor Crane) oo cusub loogu talo-galay rarka iyo dejinta badeecadaha kala duwan ee dekedda Berbera ka dhoofaya iyo kuwa ka degayaba.

 

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-293/042019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne