Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ugu maqnaa qaar kamid ah dalalka qaaradda Afrika, ayaa maanta dalka kusoo laabtay, waxana si aan kala hadh lahayn oo xamaasad iyo waddaniyadi ku dheehan tahay usoo dhaweeyey guud ahaanba qaybaha kala duwan ee shacabka caasimadda Hargeysa.

 

Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 37-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/07/2019, uu shir gudoominayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa warbiximo lagaga dhegaystay wasaarradaha, waxbarashada iyo sayniska iyo qorshaynta & horumarinta qaranka. laguna ansixiyey siyaasadda horumarinta ganacsatada dhexe iyo kuwa yaryar, Sidoo kalena baaq iyo digiin laga soo saaray.