Khilaaf Xoogan Oo Ka Dhex Qarxay Madaxda Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Sababta Keentay

Hargeysa(RH)Khilaaf Xoogan ayaa soo kala dhex-galay Madaxda ugu sar-sareysa Baanka Dhexe ee Somaliland isla markaana sababtay wada-shaqeyn la’aan ka dhex-taagan guddoomiyaha Baanka Dhexe Cali Ibraahim Baqdaadi iyo Agaasimaha Guud ee Baankaasi Axmed Xasan Carwo.

 

Sida ay Warbaahinta Hormuud u xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-oggaal ah , khilaaf soo jiitamaayey muddooyinkii u dambeeyey ayaa ka dhashay arrimo khuseeya dhinaca awoodda maamulka oo ay isku maan-dhaafsan yihiin labada mas’uul, waxaana aad ay iskugu af-garan la’ yihiin awoodahooda shaqo iyo nidaam-shaqeed ee Baanka Dhexe ee Somaliland.

wararka aanu helnay ayaa Xaqiijinaya in Agaasimaha Baanka Dhexe Axmed Xasan Carwo aanu maalmahii u dambeeyey ka soo xaadirin xafiiskiisa isla markaana  uu joojiyey wada-shaqeyntii ka dhaxeysay isaga iyo guddoomiyaha Baanka Cali Baqdaadi.

 

Guddoomiyaha Baanka Dhexe, ayaa la sheegay in uu dhowr goor isku dayey in uu gebi ahaan ba saxeexa ka joojiyo Agaasimaha Baanka Dhexe oo ay isku fahmi la’ yihiin qaabkii ay u wada-shaqeyn lahaayeen balse shirar kala duwan oo uu la yeeshay saraakiisha Baanka, ayaa lagu la taliyey in aanu ku deg-dagin in uu saxeexa ka joojiyo Agaasimaha Baanka.

 

Arrintan, ayaa muddooyinkii dambe ba saameyn xooggan ku yeelatay hawlahii shaqo ee Baanku ugu xil saarnaa shacabka Somaliland, adeegyaddii sarifka oo cidhiidhi galay iyo weli ba dad badan oo u cadi-ban cidda ay kala xidhiidhayaan adeegyaddooda shaqo ee ay ka fushanayaan Baanka Dhexe ee Somaliland.

 

Illaa hadda lama sheegin in wax farriin ah oo khuseeya khilaafka labada mas’uul la gaadhsiiyey Madaxweynaha balse waxa la filayaa in Madaxweynahu uu si dhakhso ah u soo dhex-galo arrintan sababtay in mas’uuliyiintani ay muran kaga mashquulaan hawlahii shaqo ee loo igmaday

 

Category