Xubno Ka Mid Ah   Shaqaalaha Hanti-Dhowrka Qaranka Somaliland Oo Shaqadii Laga Joojiyey

Hargeysa(RH)Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir oo uu ku sime ka  yahay ku xigeenkiisu ayaa shaqadii Hanti-dhowre-nimo ka joojiyey lix ka mid ah shaqaalaha xafiiskaasi waxaana warqadda Shaqo-Joojinta Oo Warbaahinta Hormuud Nuqul ka mid ah Heshay lagu sheegay in ay iska xaadiriyaan Hayadda shaqaalaha dowladda bilaa sabab mana jirto wax eed ah oo warqada lagu cadeeyay,

Lixdan shaqaalaha ah ayaa kala ah

1: Hanti-dhowre Cabdi Maxamed Daa,uud

2: Hanti-dhowre Maxamed Axmed Cabdi

3:-Hanti-dhowre Cabdiqaadir Xaaji Maxamed Cabdilaahi

4: Hanti-dhowre Xaamud Ducaale Allaale

5:- Hanti-dhore Cabdiramaan Xasan Axmed

6:- Hanti-dhore Cabdikariin Sheekh Cali Maxamed

 

shaqo

Hanti-dhowraha guud oo aanu la xidhiidhnay ayaa naga qaban waayay Mobiel-kiisa gacanta waxaana shaqaalahan markii ay yimaadeen Hayadda shaqalaha Guddomiyaha Hayaddaasi isna faray lixdan shaqaalaha ah inay ku noqdaan xaruuntooda.

Shaqalahan ayaa galay isku tuur-tuur ma jirto wax sabab ah oo wali Xafiiskoodu shaaciyay oo aan ahayn in ay ka xaadiraan Hayadda shaqaalaha

Warqadan uu ku xigeenku ku saxeexan yahay ayaa nanoo xaqiijiyay in uu amarkeeda lahaa Hanti-dhowraha guud ee qaranka Axmed Yuusuf Dirir.

Wali ma jirto wax talaabo ah oo ay Hayadda shaqalahu ka qaaday nidaamkan ayaa sharciga waafaqsanayn ee warqada loogu qoray lixdan shaqaalaha ah

 

Category