Ciidamada Amaanka  Magaalada Jig-jiga Oo Xidhay 480 dhalinyaro ah

Jig-jiga(RH)Ciidamada Amaanka  Magaalada Jig-jiga ee DDS ayaa howlgalo ay  ka sameeyeen Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Jigjiga waxay Xabsiga u Taxaabeen  480 dhalinyaro ah kuwaasi oo lagu Tuhunsanyahay inay  wadeen Falal amni daro.

d

 

Taliyayaasha Ciidamada Amaanka ee DDS, Oo Warbaahinta La Hadley Ayaa Dhalinyaradan La Xidhay Ku Eedeeyey Inay Ka Tirsan Yihiin Kooxaha Abaabulan Ee Loo Yaqaano Jayna Guruubka, Ku Waa Oo Falal Amni Darro Ah Ka Waday  Habeenkii Qaybo Ka Mid Ah Caasimada Jig-Jiga .

ds

Gaashaanle Sare Deeq Carab Ibraahim Madaxa Dambi Ka Hortaga Ciidanka Booliska DDS, Ayaa Xaqiijiyay  Inay Ciidamadu Ka Duulayeen Xog Buuxda Oo Ay Hayeen Markii Ay Qaadayeen Hawlgalkan, Waxaa Uu Gaashaanluhu Inta Ku Daray, In Dhalinta La Soo Xidhay Badankoodu Ay Ahaayeen Kuwo Marar Hore Oo Kala Gadisan La Soo Xidhay Arintan Kooxaysiga Ah, Waxaa Uuna Sii Raaciyay, In Badhitaan Dheeriya Lagu Samayn Doono Dhalintan La Soo Qabqabtay Hawlgalkuna Uu Sii Socon Doono.

df

Geesta Kale Laamaha Ammaanka  Ayaa Sheegay Inay Ku Daba Jiraan Goobaha Lagu Gado Xashiishada Ee Magaalooyinka Waaweyn,Taaasoo Ka Mid Ah Dhibaatooyinka Waayadan Dambe Kusoo Kordhay Magaalooyinka Dds.

dds

480 dhalinyarada ah ee la xidhay ayaa markiiba loo gudbiyay Magaalada Godey,halkaas lagu siin doono dhaqancelin

go

 

Category