Shil Baabuur Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Oo ka Dhacay Magaalada Goday

Jig-jiga(RH)Allaha ha U Naxariistee 4 qof ayaa ku geeriyooday in ka badan 22 kalana way ku dhaawacmeen shil baabuur oo maanta ka dhacay Duleedka Magalada Goday ee DDSI.

shil

Gaadhigan Shilka galay ayaa Ahaa Bas Rakaabka qaada oo ay lahayd shirkada Falkon coach

shil1

Gaadhigan ayaa ka soo baxay magaalada Goday isagoo u sii  jeeday magalada jig-jiga Ee Caasimada Dowlad Deegaanka Soomaalida itoobiya.isla markaasina waxaa uu ku qalibmay Duleedka Magalada Goday ee DDSI gaar ahaana jidka looga baxo Jig-jiga.

shishil2

Dadkii ku Geeriyooday  Shilkaasi  iyo kuwii ku dhaawacmay ayaa loo daad gureeyey Cisbitaalka guud ee Magaalada Jig-jiga

 

Category