Shirkada DP World Oo ka Warbixisay Marabkii Ugu Weynaa Ee ku soo Xidhay Berbera

Berbera(RH)Maamulka Shirkadda DP World  ayaa ka warbixiyey markabkii ugu weynaa ee dekedda Berbera ku soo xidha oo xalay soo gaadhey magaalada Berbera.

Markabkan ayaa lagu magacaabaa  Sima Sahba ayaa siday alaabooyin Koontiinarro ah, iyada oo ay dejinta alaabtaasi bilaabeen Wiishashka cusub ee ay dhowaan shirkadda DP World keentay dekedda Berbera, maadaama oo aanu markabkani lahayn wiishash.

Waxaana ugu horayn markabkan iyo shixnadda uu sido ka warbixiyey madaxa hawlgalinta shirkadda DP World ee Dekedda Berbera Cali Ismaaciil, waxaanu  sheegay inuu markabkani ka diwaan gashan yahay dalka Sangabuur isla markaana  sido shixnad gaadhaysa 2136 oo koontiinar oo  uu qaadi doono shixnad intaas u dhiganta, wuxuuna intaa ku daray inay tahay markii u horraysay ee markab noocan oo kale ahi uu ku soo xidho Dekedda Berbera, iyadoo arrintaas ay suurta galisay Wiishashka iyo Taaga cusub ee Dekedda ay ka  hirgaliyey shirkadda DPW.

Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay Yuusuf Cali Nuur oo muddo afartan sanno ah ka shaqaynayey Dekedaha iyo maraakiibta ayaa sheegay inay tahay markii ugu horraysay ee markabkan oo kale uu ku soo xidho Dekedda Berbera, taasna ay keentay horumarka ay muddooyinkii u dambeeyey ku talaabsatay Dekedda Berbera, isagoo tilmaamay in waqtiyadii hore dhib badan lagala kumi jiray rogida shixnadaha ay maraakiibtu sido, balse taasi ay meesha ka baxday, wuxuuna amaanay shirkadda DPW  oo uu sheegay inay wax weyn ka qabatay Dekedda intii ay gacanta ku haysay.

 

Category