Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta dhaqan-geliyey Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-249/012019 ku dhaqan-geliyey maanta oo ay taariikhdu tahay 02.01.2019 Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka.

 

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

 

Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka

 

Markaan Arkay:               Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Arkay:               Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Arkay:               Go’aanka Golaha Wakiillada, Go'aan Lr. GW/KF-38/826/2018, ee ku taariikheysan 30/12/2018, ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2019-ka;

 

Waxaan soo-saaray;

 

Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose iyo Deeqaha Caalamiga ah oo dhan SL.SH/= 2,334,320,463,251 (Laba Tirilyan, Saddex Boqol Afar iyo Soddon Bilyan, Saddex Boqol Labaatan Milyan, Afar Boqol Saddex iyo Lixdan Kun, Laba Boqol Kow iyo Konton Shillin Somaliland ah).

 

 

Category