Dagaal Culus Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo ka Dhacay Gobolka Sool

Laas-caanood(RH)Deegaanka Dhuumay ee Koonfurta Gobolka Sool ayaa maanta waxaa ka dhacay Dagaal Culus oo sababay  khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dagaalkan ayaa waxaa uu u dhexeeyey laba Beelood oo Walaalo ah oo Deegaankaasi wada-daga

Dagaalkan ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 40 qof halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 80 qof ,Sida uu Xaqiijiyey Badhasaabka Gobolka Sool Cabdirashiid Xuseen Cabdulle.

Dadka dhaawaca ah ayaa la gaadhsiiyey Cisbitaalka guud ee magaalada Laascaanood.

Guddoomiyaha gobolka Sool ayaa codsaday in gurmad caafimaad oo degdeg ah la soo gaadhsiiyo Cisbitaalka, maadaama ay adeegyada caafimaadku aad gabaabsi u yihiin .

xukumadda Somaliland ayaa dhawaan labadan Beelood ku heshiisiisay Magaalada Laasacaanood.

Category