Xukuumada Somaliland Oo Diidday Ka Mid Noqoshada Nidaamka  Badda Cas Ee Ay Aasaaseen Dowladaha Xuduudaha la-Leh  Gacanka Cadmeed

Hargeysa(RH)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay Ammaanka xeebaha dalkeeda u dabo-fadhiisanaynin cid kale, waxaanay shaacisay in iskaashi kasta oo ay sameeyaan dalalka Gobolku aanu dhammaystirnayn haddii aanay Somaliland ku jirin.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay  Xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland kaasi oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska War qabadka Radio Hormuud ayaa waxaa uu u dhignaa sidan:-

 “Jamhuuriyadda Somaliland waxay tixgelinaysaa isbahaysigii ay dhowaan aasaaseen lix dal oo ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ah Aag Istaraatiiji ah iyo  marin biyood caalamiya, iskaashiga waddamadaasi maaha mid dhammaystiran maadaama oo aanay Somaliland ku jirin.

Somaliland waxay  ku guulaystay inuu ka ilaaliso  dhulkeeda   iyo xeebaheeda Argagixisada iyo budhcad baddeeda, umana dabo-fadhiisanayso dal kale ilaalinta ammaanka  xeebaheeda  oo dhererkoodu yihiin 850km.

Somaliland waa dal madax-bannaan oo xor ah, heshiis kasta oo ay wada galaan dalalka gobolku oo Somaliland ka dhigaya qayb ka mid ah Soomaaliya, waa khalad iyo wax aanay Somaliland aqbali karin.

Si kasta ha ahaatee, waxaanu sii waddaynaa iskaashi kasta oo gacan siinaya nabadgelyada iyo barwaaqada mandaqadda iyadoo aan wax loo dhimaynin xornimada dal kasta.”

 

 

Category