Xukuumada Somaliland Oo Beenisay in wada-hadallo hoose u socdaan Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa beeniyey war sheegayey in wada-hadallo hoose u socdaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Ahna Af-hayeenka Xukuumaddu Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu caddeeyey in Soomaaliya ay hore u jabisay dhammaan heshiisyadii lagu gaadhay shirarkii hore. Waxaanu tilmaamay in sida kaliya ee ay kula hadli karaan Soomaaliya ay tahay fagaare caalamiya.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in aanay Dawladda Somaliya u fuli doonin iskudayada ay ku doonayso inay ku farogeliso JSL, waxaanu xusay in ummadda reer Somalilan ay yihiin kuwo qaranimadooda ku adag.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa kaloo uu intaas ku daray in Xukuumadda Somaliland ay indho dheer kula socoto galaangalka ay Dawladda Farmaajo ku doonayso inay ashkhaas u adeegsato Somaliland kuwaasi oo ka taageera Saxaafadda iyo baraha bulshada.

 

Category