
Muqdisho(RH)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah u furay kalfadhiga lixaad ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, oo ku taalla dhismaha madaxtooyada ayaa waxaa goob joog ka ahaa labada guddoomiye ee baarlamaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay dowladiisa in ay qaban doonto doorasho dadweyne mudda ku dhow 65 sano ka dib.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay kal-fadhiga lixaad ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya oo maanta uu ka furay xarunta Villa Hargeysa.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay qabaneyso doorasho loo diyaariyay hannaan casri ah dhaqaalaha ku baxayana inta badan dowladda ay bixisay.
Madaxweynaha ayaa sheegay tallaabadan in ay ka imaan karto culeys marka la eego xaaladda iyo duruufta ku heeran xaaladda dalka.
Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta ka aragti duwan in aysan mugdi galin mustaqbalka dadka Soomaaliyeed ee ah doorasho qof iyo cod ay ka dhacdo.
Si kastaba, Kalfadhiga lixaad ayaa ku furmay iyadoo ay jirto walaac ku saabsan xaaladda dalka, sababtoo ah meelo badan waxaa ka socda dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Shabaab.
Sidoo kale, waxa fadhigga uu ku soo aaday iyadoo ay la isku maandhaafsiisan yahay doorashada qof iyo cod ee dowladda sheegtay iyadoo mucaaraadka oo saluug ka muujinaya arrintaas.


Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia