Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya oo ku biiray xisbiga Wadani

Hargeysa (RH)-War goordhow naga soo gaaray magaalada Hargeysa, ayaa sheegaya in xisbiga Wadani ay soo bandhigeen maanta Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Shir jaraa'id oo uu ku qabtey Hagrysa ayuu Dr. Bayle ku sheegay in doorashada uu ku matalayo gobolka uu ka soo jeedo ee Awdal uuna aqbalay inuu qabto saamiga ay ku lahayeen.

Sidoo kale waxaa uu cadeeyey in Cabdiraxmaan Maxamed Cirro yahay shaqsiga maanta Somaliland bad baadin kara, marxaladan ay ku jirtana ka saari kara, waa sida uu hadalka u dhigay.

Beyle ayaa dhowrkii sanno ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalooyinka Somaliland, waxaana ku biiristiisa Wadani ku soo aadaysaa iyadoo maalmo yer ay ka harsan yihiin doorashooyinka Somaliland.

Guud ahaan deegannada Somaliland waxaa ka billowday ololaha doorashada madaxweynaha, waxaana magaalooyinka waaweyn lagu arkayaa diyaar garow ku aadan doorashada  kuwaasoo ay sameensanayaan xisbiyada.

Doorashada madaxweynaha iyo ururada ayaa muddo dib u dhacay, waxaana ay keentay inuu khilaaf iyo kala qeyb sanaan ku timaado xisbiga xukuumadda, waxaana dadka wax saadaaliya ay lee yihiin doorashadan waxa ay noqon doontaa mid aad u adag marka loo eego doorashooyinkii ka dhacayay magaalooyinka Somaliland.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta ku biiray xisbiga Wadani

Radio Hormuud

Studio 3

Hargeysa Somaliland

Category