Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka JSL Oo Soo Kormeeray Jidka Isku xidha Boorame iyo Jabuuti

Boorama(RH)Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Somaliland C/laahi Abokor Cismaan ayaa xadhiga ka jaray xafiis ay wasaaraddu ku yeelanayso magaalada Boorama.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Somaliland Waxaa uu soo kormeerey Jidka Isku xidha Boorame iyo Jabuuti,waxaanu kulan la yeeshay shaqaalaha wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Somaliland ee magaalad Boorama, halkaasi oo uu warbixin kaga dhageystay Howlwadeenada wasaaradaasi iyo masuuliyiinta Heer gobol iyo Heer Degmo.

isu-duwaha wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka ee gobolka Awdal Kulmiye Cabdi oo kulankaasi ka hadlay ayaa ka warramay muhiimada uu xafiiskani u leeyahay qaranka, wuxuuna sheegay in xafiiskani bixin doono liisamada gaadiidka ee gobolka.

Dhankoodana, Guddoomiyaha gobolka Awdal C/raxmaan Axmed Cali iyo maayirka magaalda Boorama Saleebaan Xasan Xaddi oo halkaasi ka hadlay ayaa uga mahadceliyey wasiirka hirgelinta xafiiskan, waxayna tilmaameen in uu wax weyn ka tari doono baahiyaha bulshada magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolka Awdal.

Gabagabadii waxa uu wasiirku masuuliyiinta wasaaradda ee gobolka ku wareejiyey gaadhi Seeraf ah oo ka qayb qaadan doona horumarinta hawlaha xafiiska.

 

 

Category