Waa imisa illaa hadda deegannada laga qabsaday Al-Shabaab?

Muqdisho(RH)-Dowladda Soomaaliya ayaa Al-Shabaab kala wareegtay deegaanno ku dhow labaatan oo ay ka haysatay gobollada Hiiraan, Bay iyo Galguduud, sida qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA.

Warku wuxuu intaa ku daray in Al-Shabaab laga dilay 30 maleeshiyo.

Wakaaladda oo tebisay howlgallo maanta laga sameeyay gobolka Bay ayaa sheegtay in uu ciidanku ku wajahan yahay deegaanka Labaatan-jirow oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee ay Al.-Shabaab ku leedahay gobolkaas.

La-wareegistaas ayaa qeyb ka ah howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka wadaan gobollada qaar.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay halka ay ku kala yaallaan deegaannadii ugu dambeeyay ee lala wareegay.

Bay: Baayale, Caliyow Dooyow, Xaawa Dhaaysile, Boorame, Karanoy, Daawuudow, Saydheelow, Buulo-jadiid, Mataani, Uusli iyo Busley.

Galgaduud: Maygaag Duub, Dhisaqa, Aboorey, Dhuumaale iyo Cali Wayd.

Gobolka Hiiraan: Moqori iyo deegaanka Tardo.

Militeriga Soomaaliya oo kaashanaya maleeshiyo maxalli ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday howlgallo Al-Shabaab looga saarayo deegaanno ku yaalla Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur-galbeed.

Xigasho: BBC

Category