Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabey Badhasaabka Gobolka Togdheer

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-521/062020, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

 

Waxaan Go’aamiyey;

In Maxamed Diiriye Xayd Nuur laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

Category