Madaxweynaha Puntland Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Gobalka Sanaag

Ceerigaabo(RH)Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa socdaalo ku maraya Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag.

Gaas iyo waftigiisa oo soo gaadhay Magaaladda Cawsane oo ka tirsan Gobolka Sanaag waxayna Khubad u jeediyeen Bulshada Deegaankaasi ku Nool.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Codsigiina in uu madaxweynuhu tix gelin doono waxa aan filayaa in uu ka dhabayn doono, madaxweyne ku soo dhawoow cawsane oo ku sharaxdayna ogoow” ayuu yidhi guddoomiyaha baarlamaanka puntland.

 

Dhinaca kale hadal kooban oo uu halkaasi ka soo jeediyay cabdiweli maxamed cali gaas ayaa waxa uu ku yidhi “Aad baan idiinka mahad celinayaa reer cawsane soo dhaweynta wanaaga badan ee aad noo samayseen.

Waxa aan ku faraxsanahay in aan idiin nimaadno, waan jeclaa in aan gobolka soo booqdo laakiin nasiib wanaag maanta ayay noqotay, socdaalkayguna maaha mid murashaxnimo ee waa mid aan mashaariic ku furayo.

 

Cawsane markii aanu marnay waxa ay u baahnayd jid iyo ceel, ceelkiina waa la qoday, wadadiina waa socotaa” ayuu yidhi Madaxweyne Gaas mar uu khudbad jeedinayay.

 

Category