Cabsi laga qabo Midowga Yurub iyo Isra'iil in ay kala guuri karaan

Ankara (RH)-Xirirka u dhexeeya dalalka Yurub iyo Israa’iil ayaa meeshii ugu xumeed maraya waxaana cirka isku sii shareeray khilaafka labada dhinac, iyadoo Spain, Ireland iyo Norway ay isku diyaarinayaan inay aqoonsadaan dawladda Falastiin, waxaana Madrid dalalka Yurub ay culays ku saareysaa in cunaqabatayn dhanka hubk ah la saaro Tel Aviv ka dib xasuuqii ay ka geysatay Qasa. 

Spain, Ireland iyo Norway ayaa qorsheynaya inay si rasmi ah u shaaciyaan aqoonsiga ay siinayaan Falastiiniyiinta Talaadada maanta ah. 

Ka dib seddexdaan dal ayaa la rajeynaa in dalal kale oo dheeraad ah ay kula soo biiraan aqoonsiga dowlad Filistiin ah, iyadoo ra’iisul wasaaraha dalka Slovenia  Robert Golob uu ku dhawaaqay inay Khamiista soo aadan ee toddobaadkan u gudbinayaan Baarlamaanka dalkaa go’aanka ay Slovenia ku aqoonsanayso dawladda Falastiin. 

Arinkaan waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Falastiiniyiinta, kuwaas oo aaminsan in halgankooda ay siisay sharciyad caalami ah.

Dhanka kale madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa culayska ku saaray Midowga si uu u taageero Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, iyada oo dacwad oogaha uu dalbanayo in la soo xiro ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo kuwo kale oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha Xamaas.

Isra'iil ayaa dhankeeda cadaadineysa Spain, Ireland iyo Norway, iyadoo Isniintii wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Israa’iil Katz uu ku wargeliyay Spain in qunsuliyadda ay ku leedahay magaalada Qudus aan loo oggolaan doonin inay caawiso Falastiiniyiinta, iyadoo Katz uu ku eedeeyay Spain inay abaal marinayso argagixisanimada ka dib markii ay sheegtay in ay aqoonsaneyso dowlad Falastiin ah oo ay horay u aqoonsadeen 142 ka mid ah 193 xubnood oo Qaramada Midoobay ah. 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Isbaanishka Jose Manuel Albares ayaa dhaleeceeyay hadalka ka soo yeeray Isra'iil, wuxuuna sheegay in asxaabtiisa Ireland iyo Norway ay sidoo kale ka helayaan dhanka Isra'iil hadala u muuqda handadaad, sababtoo ah qorshahooda aqoonsiga Falastiin. Albares ayaa wacad ku maray in uu meel mari doona qorshahaan wuxuuma yiri, "Kuwa doonaya inay nagu kala qaybiyaan nooc kasta oo dacaayad cabsigelin ah, waligood ma guuleysanayaa, Midowga Yurubna waa in ay mowqifkooda cadeeyaan." 

Inkastoo Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah ay si adag u cambaareeyeen weerarkii 7-dii October ee dagaalyahannada Xamaas ay kaga gudbeen xayndaabka Qasa, haddana ururkan ayaa si isku mid ah u dhaleeceeyay dagaalka Israa'iil ee Qasa oo ay ku dhinteen in ka badan 36,000 oo Falastiiniyiin ah. 

Weeraradii ugu dambeeyay ee ay Isra'iil ku qaaday magaalada Rafah, Axadii ayey ku dishay ugu yaraan 45 qof, iyadoo meydadka badi ay gubteen, waxa ayna ku dhaawaceen in ka badan 250 kale.

W/Q: Cabdiqaadir Maxamed Sumar
Arday shahaadada labaad ka diyaarinaya Turkiya

Category