Ardayda Dugsiyada Hoose dhexe iyo sarre ee Somaliland Oo Bari u Fadhiisanaya imtixaanka shahaadiga aha

Hargeysa(RH)Imtixaanka shahaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2017/2018 laga qaadayo ardayda Somaliland ayaa lagu wadaa inuu ka adkeedo sannooyinkii la soo dhaafay, sababo lagu sheegay kobcinta tayada waxbarashada awgeed.

 

Maalinta beri ah ayaa la filayaa in uu guud ahaan deegaanada Somaliland ka furmo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada hoose dhexe iyo sarre

Ilaalada kala duwan ee imtixaanka ayaa loo kala diray gobolada Somaliland oo dhan sida ay sheegeen mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee Somaliland Cabdulqaadir Maxamuud Sheekh Muxumed oo saaxaafadda la hadlay ayaa sheegay in sannadkan imtixaanku uu ka adag yahay sannooyinkii la soo dhaafay, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Imtixaanaadku sannadkan waxaan ugu talogalnay in uu noqdo imtixaankii ugu adkaa oo aan ugu talaggalnay in aanu qishkana ka ilaalinno, mobile-da ka ilaalinno, wax kasta oo suuraggal ah in uu si cadaalad ah u dhaco. Waxaan waalidiinta iyo ardaydaba u sheegaynaa imtixaanka inaanuu adkeynno ulamajeedno inaan ardaydayada iyo caruurtayada dhibno, laakiin waxaan ulajeednaa tayada waxbarashada inaan kor u qaadno.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaanu rabnaa tayadii waxbarashada inaanu soo celinno, ardaygu isagoo bisil in uu jaamacad haweysan karo, waxaanuu wasaarad ahaan qorsheynnay in dhammaan kormeere kasta iyo macallin kasta  ardaygii uu yaqaanney maahee aanuu meel kale geynno.”, ayuu yidhi wasiir ku-xigeenka waxbarashada Somaliland.

Ugu danbeyntiina sannadkii la soo dhaafay ayaa imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland waxaa laga soo calaamadeeyay qodobbo ay ka mid ahaayeen, ilaaladiisa oo aad u adkeyd,  ardayda oo loo diiday iney wax mobile-ah la galaan goobaha imtixaanka, macallimiin la sheegay iney ardayda qishka u sahlayeen oo xabsiga loo taxaabay.

Category