Meydka nin Soomaaliya oo laga helay goob Tareenada laga raaco oo ku taala dalka Jarmalka

Meydka muwaadinka Soomaaliyeed oo dhalinyaro ah ayaa laga helay goob laga raaco Tareenada oo ku taala magaalada Marburg ee dalka Jarmalka.

ninkan ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Saraxdiid, kaasoo ka mid ahaa dadka magangalya doonka ah ee dhawaan tagay dalkaas Jarmalka.

Jaaliyada Soomaalida ee dalkaas ayaa ku wargeliyey Booliiska Magaalada Marburg geerida mwaadinka Soomaaliyeed ee loo maleynayo inuu tareenku jiiray.

Ma cada in wiilkaan Soomaaliga ah uu isku dhigay Tareenka iyo in kale, waxaasa Booliiska oo magaaladaasi ay sheegeen iney wadaan baaritaano la xariira waxa sababay dilkiisa, islamarkaana ay soo saari doonaan natiijada kasoo baxda baartaanka.

Wadanka Jarmalka ayaa Soomaalida ku nool waxaa lagu qiyaasaa iney gaarayaan  ilaa 50 kun oo qof  in kasta oo aan tiradaaas la xaqiijin karin.

Category