RH: Kolding: Nin dhallinyaro ah oo 19 jir ah ayaa lagu dilay toorey habeenkii u dhexeeyey Sabtida iyo Axadda magaalada Aarhus, waxaana hadda la qabtay saddex nin oo lagu tuhunsan yahay in ay kiiska ku lug leeyihiin. Booliska ayaa sheegay in tuhmanayaasha ay yihiin dad ku jira xayndaabka falal dambiilayeedka ee magaalada Aarhus.
Mid ka mid ah dadka xaafadaas deganayaa ayaa sheegay in uu maqlay iska hor imaad iyo dagaal ka dhacay abbaaraha saqda dhexe, ku dhowaad 12:30 habeennimo, kaddibna qof ayaa ku dhawaaqay in ambalaas la waco. Booliska gobolka Østjylland ayaa helay warbixin ku saabsan rabshad iyo buuq dhexmaray dhowr nin abbaare 00:39 habeenkii Axadda. Booliska ayaa baaritaanno ku sameeyey deegaanka falku kadhacey, waxaana xogaha ay heleen horseedeen in galabnimadii Axadda lasoo qabto saddex qof oo da'doodu kala tahay 20, 20, iyo 27 jir.
Markii booliska yimaadeen goobta, ma jirin qof dhaawacmay oo goobta joogay, balse goor dambe ayay booliska ka war heleen in qof ku dhaawacmay toorey loo geeyey isbitaalka dhaawac culusna uu qabay. Nasiib darro, ninkii dhaawaca qabay ayaa ku geeriyooday isbitaalka Aarhus.
Booliska ayaa sheegay in qof kasta oo xog ku saabsan dhacdadan hayaa uu kala soo xidhiidhi karo lambarka 114. Waxaa suuragal ah in weli ay jiraan dad kale oo kiiska ku lug leh oo aan weli la qaban. Inkastoo arrinta ay u muuqato mid cabsi dhalin karta, hadana booliska waxay caddeeyeen in aysan jirin sabab dadweynaha Aarhus uga baqaan in ay waddooyinka maraan.
Kiiskan wuxuu ku saleysan yahay muran la xidhiiiidhaa dambiileyaal isku haya gudaha kooxaha Aarhus, mana aha mid khatar ku ah bulshada caadiga ah. Booliska ayaa sheegay in warar dheeri ah la heli doono marka ay macluumaad cusub soo baxaan.