Saadaasha hawada ee Danmark iyo maanta

RH: Talaadada waxay ku bilaabmaysaa qorrax ka soo baxa dalka oo dhan. Si kastaba ha ahaatee, xaaladdaas ma sii jiri doonto. Inta lagu jiro maalinta, cirku wuxuu noqonayaa mid ay kusii kordhaya daruuro, 

 maalinta oo ah mid qabow  darteed iyo heerkulka oo hoos usii dhacaya habeenkii, waxay ugu dambeyntii keeni kartaa  roob.

"Marka roobku gaaro Waqooyiga Jutland habeenkii, meelo badan roobka waxay u beddelayaan baraf," ayuu yiri Klaus Larsen, saadaaliyaha hawada ee DMI, faallo uu ku daabacay bogga internetka ee machadka saadaasha hawada.

Inta badan dalka, roobku wuxuu noqon doonaa roob ama laga yaabee slush ( baraf jiliscan oo biyo wata). Si kastaba ha noqotee, waxaa la filayaa inay qalalan yihiin gobollada koonfur-galbeed oo aan roobku gaadhin.

Heerkulka ayaa la filayaa inuu u dhexeeyo eber ilaa afar darajo, dabayshuna waxay noqon doontaa mid xoog badan oo ka imaan doonta bari iyo waqooyi-bari. Xeebaha, dabayl xoog leh ayaa laga yaabaa inay ka dhacdo goobaha qaar.

"Inta ka hartay toddobaadka, cadaadiska sare wuxuu ina siin doonaa cimilo qalalan wuxuuna soo celin doonaa qorraxda, iyo dabayl ka imanaysa koonfur-bari. Tani waxay ina siin doontaa heerkul maalinle ah oo yar sarreeya, laakiin sidoo kale qabow habeenkii meelo badan," ayuu yiri Klaus Larsen.

 

Category