Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamey khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya mid heer gobol ah

RH: Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u soo jeediyay Itoobiya iyo Soomaaliya inay khilaafkooda xal ka gaaraan IGAD iyo AU, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Amb. Meles Alem Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Amb. Meles Alem ayaa saxaafadda u sheegay in Itoobiya ay ka codsatay IGAD in ay ku baaqdo shir madaxeed kale oo looga hadlayo heshiiskii marin-badeedka ee bishii hore ee ay ka carooday Muqdisho.

IGAD weli jawaab rasmi ah kama soo saarin codsiga Itoobiya.

Golaha Ammaanka  waxay 29-kii bishii January qabteen shir ciwaankiisu ahaa ‘Nabadda iyo Amniga Afrika’, iyadoo Soomaaliya ay codsatay shirkaas. Si kastaba ha ahaatee Goluhu wax faah faahin ah kama uusan bixin shirkaas.

Soomaaliya, oo cuskatay qodobka 35-aad ee Axdiga Qarammada Midoobay, ayaa ugu baaqday Golaha Ammaanka inay faragelinta Itoobiya wax ka qabtaan iyadoo sheegtay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland uu ku xad-gudbaynayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbada Itoobiya Meles, wuxuu si cad u sheegay mowqifka Itoobiya intii lagu jiray shirkii golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Mawqifka Itoobiya waa in dadaalkeeda ku aaddan gelitaanka badda ay horseed u yihiin arrimo dhaqaale. Waxay kaloo ku saabsan tahay is-dhexgalka gobolka iyo sidoo kale arrin nabadeed iyo amni. Tani waa ajandaha cad ee ay Itoobiya ku celisay shirkii Golaha Ammaanka,” ayuu yidhi Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbada Itoobiya Meles.

Category