Buug laga qorey caqabadaha lagala kulmo daaweynta ajanabiga Denmark iyo xal loo helay.

RH. Kolding: Dr.Morten Sodemann iyo buuggiisa cusub ee uu u bixiyey  " Arinta aanad ogeyn ee bukaanka damaqda’’ waxa uu ku  iftiiminayaa arrin muhiim ah oo inta badan ay ka  indho saaban yihiin  dhakhaatiirta iyo daryeelayaasha caafimaadka  ee bukaanada asal ahaan ka soo jeeda muhaajiriin ama qaxootiga ee wadanka Denmark ama guud ahaan dalalka reer galbeedka.

 Bukaanadan waxay la kulmaan caqabado gaar ah nidaamka caafimaadka, laga bilaabo caqabadaha luqadda iyo isfaham la'aanta dhaqanka ilaa dib u dhacyada lagu sameeyo helitaanka xanuunkooda iyo daaweynta khaldan. Buugga Sodemann iyo shaqadiisa uu ka qabtay xarunta Caafimaadka Muhaajiriinta ee Odense waxay ujeedadoodu tahay inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkan iyadoo la barayo shaqaalaha caafimaadka sida loo fahmo oo loo maareeyo baahiyaha adag ee bukaanada laga tirada badan yahay.

Dr.Sodemann waxa uu tusaale u soo qaatay haweenay afrikan ah oo laga soo guursadey afrika , maalintii ay soo degtayba waxa ay jiifsatey kursi soofe ah oo guriga dhexyaaley iyada oo ka cabaneysa xanuun daran , waxaa loo qaadey dhakhtarka xaafada , dhakhtarkii ayaa dib usoo celiyey una sheegay in aaney waxba haynin oo ay guriga iskaga noqoto, maallin kadib ayey kasii dartey, cisbitaalka ayaa loola cararey  baadhitaan kii la sameeyay waxa uu soo saarey in ay qabto saddex xanuun oo kala daran, kelaya oo shaqadii gabey, AIDS iyo minanjaajis, saddex maalmood kadibna way geeryootey.

Arintan ayuu ku tilmaamey mid marar badan dhacda isaga oo sheegay in ay jirto qaaciido qarsoon oo dhakhaatiirtu isticmaalaan oo la yidhaa waa waxoodii iyo is isyeelyeelkoodii  kadibna ay ita badan iyaga oo aan cabashadooda daraasadeyn guriga dib ugu celiyaan.

Waxaanu isticmaaley kalmada halheysa  oo bukaanka ajanabiga ku tilmaamey in ay yihiin nooca bukaan ee loo yaqaan  ’’Alla maya’’  Oh Nej.

Arintan ayaa muujinaysa muhiimadda ay leedahay in la fahmo asalka shaqsiyeed iyo dhaqameed ee bukaanka, waxay bixisaa aragti muhiim ah oo ku saabsan sida nidaamka caafimaadka uu u horumarin karo. Iyadoo la soo bandhigayo qalab iyo habab cad oo loogu talagalay in lagu hagaajiyo xidhiidhka isgaadhsiineed iyo daaweynta bukaanada laga tirada badan yahay, Dr.Sodemann wuxuu rajeynayaa inuu yareeyo sinaan la'aanta caafimaadka isla markaana kor u qaado daryeel caafimaad oo wax ku ool ah.

Dhaleeceynta Dr.Sodemann ee habka hadda jira ee nidaamka caafimaadka DK iyo doodiisa ku aadan habka aan habooneyn ee loola tacaano bukaan socodka ajanabiga Denmark ma aha oo kaliya xirfadlayaasha caafimaadka, laakiin sidoo kale siyaasiyiinta iyo go'aan qaadayaasha ayuu ku socdaa.

Shaqadiisu waxay muujineysaa baahida loo qabo isbeddello siyaasadeed iyo qaab dhismeed, sida dib u soo celinta adeegga turjumaan ee bilaashka ah iyo waqti dheeri ah oo loo qoondeeyo la-talinta bukaanka, si loo daboolo baahiyaha  bukaanada kala duwan.

Buugga Dr.Morten Sodemann iyo shaqada uu ka qabtay Klinika Caafimaadka Muhaajiriinta waxay utaagantahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo yareeyo sinaan la'aanta caafimaadka.

Dadaalkiisa kor u qaadida wacyiga iyo waxbarashada gudaha waaxda  caafimaadka wadanka Denmark waa hab muhiim ah oo loo sameeyay si loo abuuro nidaam caafimaad oo cadaalad ah oo wax ku ool ah dhammaan dadka ku nool Denmark.

Dr. Sodemann waxa uu sheegay in xarunta caafimaad ee uu aasaasey noqotey goob dalka dibadiisa looga soo doonto tallo , waxaanu tusaale u soo qaatey dhakhaatiir ka timid dalka Jaban , kuwaas oo sheegay in dalkoodu uu dhawaan soo qaatey dhawr iyo labaatan qaxooti soomaali ah , deedna ay rabaan in ay fahmaan dadkaas dhaqankooda iyo qaabka ugu haboon ee ay daryeel caafimaad ugu fidin lahaayeen.

Shaqadiisu waa xusuusin ah in nidaam caafimaad oo wax ku ool ah uu yahay mid isku daya inuu la qabsado oo buuxiyo baahiyaha dadweynaha kala duwan.

 

qormada waxaa qorey wargeyska information

waxaa tarjumey: Mohamed-Amiin Siyaad Abdi

Category