Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargaysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxana kulankaas lagaga wada hadlay arrimo badan oo la xidhiidha xaaladda guud ee dalka.

Burco(RH)Deegaamo ka tirsan gobolka Daad-madheedh ayaa waxa dhibaato ku haya Ayax dhul-dageen ah, kaasoo xaaluf ku haya meelaha dhul-daaqsimeedka ah iyo dalagga Beeraha, isla markaana ku sii fidaya.

Ayaxan ayaa ah mid ka dilaacay Ugxaan uu deegaanka kaga tegay bilihii la soo dhaafay mar uu ku degay deegaamo kamida Gobolkaasi, sida ay Dadka deegaanku noo sheegeen.

Hargaysa(RH)Xisbul xaakimka Somaliland ee KULMIYE ayaa soo dhaweeyay muddo kordhinta golaha guurtida Somaliland shalay ay u sameeyeen golaha wakiiladda

Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi dheere oo ka hadlay muddo kordhinta Guurtidu u samaysay golaha wakiiladda, ayaa sheegay in muddo kordhinta loo sameeyay golaha wakiiladda Somaliland in u sabab u yahay xisbig Mucaridka ah ee WADDANI oo ay ka qabsoomi waayeen doorashooyinka wakiilada iyo goleyaasha deegaanka

Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 43-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ahaa mid aan caadi ahayn oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu gorfeeyey hirgelinta nidaamka E-Government (Somaliland E-government system).

Hargeysa(RH)Madaxweynaha  Somaliland  Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda soo dhammaystiraan soo xulista xubnaha Cusub ee Gudida   doorashooyinka Qaranka Somaliland , ka dibna uu Madaxweyne Biixi u gudbin doono golaha wakiilada toddobada xubnood ee uu u ansixiyo inay noqdaan guddida doorashooyinka qaranka  JSL.