Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Shirkii nabadaynta ee ka socday magaalada Taleex ee xarunta gobolka Xaysimo, ayaa la soo gabagabeeyay, waxaana si rasmi ah loo soo afjaray colaad muddo dheer halkaasi ka taagnayd, kadib wadahadallo todobaadyadii la soo dhaafay halkaasi ka socday.

Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 25-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 06/12/2018, waxa lagaga dooday Maalgashiga iyo horumarinta dalku la wadaagi karo adduunka intiisa kale, iyadoo goluhuna warbiximo ka dhegeysteen, wasiirrada, arrimaha gudaha iyo horumarinta Maalgashiga.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ballaadhan oo ka socda midowga reer Yurub oo uu hoggaaminayo Ambassador Fulgencio Garrido oo ah ku xigeenka wakiilka midowga  Yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Hargeysa(RH)Shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa si ballaadhan oo aan kala hadh lahayn usoo dhaweeyey wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo muddo laba toddobaad ah safar shaqo ku marayey gobollada bari ee dalka.

 

Hargeysa(RH)Xarunta Daraasaadka Siyaasadda ee CPA, waxay si weyn uga xunyahay dib u dhaca markale ku yimi doorashooyinka Somaliland ee la filayey inay qabsoomaan bisha March 27, 2019. Somaliland waxay kaga duwan tahay dalal badan oo ku yaalla Afrika, dhinaca doorashooyinka iyo dimoqraadiyadda ka jirta, hase ahaatee tallaabadan markale dib loogu dhigay doorashooyinka, waxay u muuqdaan kuwo saamayn ku yeelanaya sumcaddii Somaliland ee dhinaca geeddi socodka dimoqraadiyadda.