Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya, Mr Olusegun Obasanjo oo imikana ah Guddoomiyaha hay’adda Brenthurst Foundation oo ka shaqaysa horumarinta dhaqaalaha Afrika iyo hirgelinta nidaamyada caalamiga oo xarunteedu tahay dalka South Africa oo waddanka ku yimid marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Hargeysa(RH)Xarunta Xuquuqal Insaanka ayaa waxay sheegtey inay ka walaacsantahay  dad dhawaan xoog lagaga saaray dhul  loo qoondeeyey in laga dhisayo madaxtooyo cusub.

 

Xarunta Xuquuqal Insaaku waxaay walaac ka qabtaa falka xoog ah ee lagaga saaray qoysas dhul ay degenaayeen oo la sheegay in loo qoondeeyey in laga dhiso madaxtooyo cusub.

Hargeysa(RH)Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in la soo qabtay Saddex ka mid ah Dablay hubaysan oo Toddobaadkii hore Gobolka Sanaag ku dilay Taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Ku-xigeenkii Taliyaha Booliska ee degmadaasi. Ciidammada Amniga oo Maalmihii u dambeeyay oo dhan waday hawl-gallo ay ku baadi doonayeen Gacan ku dhiigleyaasha dilay labada Sarkaal, ayaa gacan ku dhigay Shalay saddex ka mid ah Gacan ku dhiigleyaasha iyo Toban Qof oo taakulanayey iyo weliba Shan Gaadhi oo ay falkaa u adeegsadeen.

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan  oo ay weheliyaan masuuliyiinta kale ee wasaaraddaasi ayaa waxa ay shaaciyeen inay hawl galiyeen qalab cusub oo lagula soconayo gaadiidka dawladda, iyada oo qalabkaasi halkaasi lagu soo bandhigay laguna tijaabiyey gaadiidka kala duwan oo ka hawl gala wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dalka, waxaana qalabkaasi lagu xidhay 10 gaadiid ah, oo ay leeyihiin 5 wasaaradood oo ka tirsan wasaaradaha dalka.

Hargeysa(RH)Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu soodhaweeyey go’aankii ay maanta Xildhibaannada Labada Aqal  Baarlamanka ee Somaliland Guurtida iyo Wakiilladu ku diideen Xaaladdii Deg-degga ahayd ee uu Madaxweyne Muuse Biixi doonayay in la galiyo Deegaano ka mid ah Gobolka Sanaag.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda 1-da May awgeed, hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Shaqaale-Weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, meel ay joogaanba.

 

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa  uu laamaha amniga ku amray inay gacanta ku soo dhigaan Dableydii Jidgooyada ku Dishay Allaha ha u Naxariistee Taliyihii Xabsiga degmada Gar-adag ee Ciidanka Asluubta Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan iyo Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska ee Degmada Gar-adag. Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux,oo galabta dablay xubaysani ku dileen weerar jidgooyo ah Degaanka Gobabka Maxan ee Degmada Yogoori.