Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamijka carbiska dhallinyarada ee shaqo qaran oo muddo bilo ah ka socday deegaanka Darar-weyne ee dhinaca waqooyi Bari kaga beegan caasimadda Hargeysa.

 

Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 35-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23/05/2019, warbixin lagaga dhegeystay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka.

 

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilnad, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulamo kula yeeshay wufuud kala duwan oo isugu jira xildhibaanno, wasiirro iyo diblomaasiyiin, kuwaas oo ka qayb-galay munaasibadda 18-ka May ee 28-guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay.

 

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay xus ballaadhan oo caasimadda Hargeysa loogu sameeyey 28-guurada kasoo wareegtay maalinta qaran ee 18ka May oo ku beegan markii ay Somaliland xornimadeedii dib ugala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.