Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Berbera(RH):-Mas’uuliyiinta gobolka Saaxil ayaa tababar usoo xidhay 25-  sarkaal oo kamid ah ciidanka Badda iyo ilaalada xeebaha Somaliland.

Xafladda shahaadooyinka lagu guddoonsiinayay ciidankaasi isla markaana loogu soo xidhay tababarka ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland iyo Saraakiisha sare ee ciidanka badda iyo ilaalada xeebaha Somaliland.

Hargeysa(RH)Fadhigii 50-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga dooday laguna ansixiyey xeerar kala duwan oo muhiim u ah qaranka, iyada oo kuwo kalena lagu qaybiyey.

Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Qoys ka kooban 4 Qof ayaa ku Geeriyooday Dhisme ku soo Dumay Magaalada Hargeysa,Marxuum Faysal Aadan Cabdi Diiriye iyo xaaskiisii Marxuumad Hinda Aw Axmed oo xaamilo ahayd iyo laba Carruura oo ay dhaleen ayaa  maanta ku geeriyooday ka dib markii uu ku soo dumay guri qadiimi ah oo ay jaar la’a ahaayeen  oo ku yaalay Xaafada Birjeex ee Degmada 31 May ee Magaalada Hargeysa

 

Hargeysa(RH)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa amar dul-dhigtay Dad shacab ah oo ood ku sameeyey dhul-daaqsimeed ku yaalla soohdinta ay iska-gaadhaan degmooyinka Laasgeel iyo Daarasalaam oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex, halkaas oo uu ka dhacay khilaaf ka dhashay seere-ooddeedka laga sameeyey oo la burburiyey.

Hargaysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Bade ayaa ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Cumar Cali Bade ayaa waxa uu sheegay in aanu dalku dib ugu noqon karin Shirbeeleed oo laga soo gudbay lix iyo labaatan Sanno ka hor, waxaana uu intaasi ku daray in ergada ku jirta dhex dhexaadinta murankii ka dhashay Koomishanka Doorashooyinka ay keeni doonaan xal.

Hargeysa(RH)Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa Maanta Ansixiyay Xeerka Ismaamulka Gobalada iyo Degmooyinka dalka.

 

Fadhigan oo uu Shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aaden ayaa waxa ka soo xaadiray 59 Xildhibaan waxaana Mudanayasha Golaha Guurtida cod Gacantaaga ku meel mariyay Xeerka Ismaamulka Gobalada iyo Degmooyinka dalka.

 

Hargeysa(RH)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa  ku bogaadisay dawladda Imaaraadka Carabta  xuska maalintooda qaranimada dalkaasi oo ku Beegnayd 2-da December .

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dhambaal Hambalyo ah oo uu ku baahiyey bartiisa Twitterka Waxaa ku bogaadiyay dawladda iyo shacbiweynaha Imaaraadka Carabta  xuska maalintooda qaranimada dalkaasi  Waxaanu ku yidhi Qoraalkaasi sidan:-