Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Amaro Fartey Mu’adimiinta Musaajiddada Dalka

Hargeysa(RH):-Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo mu’adimiinta masaajiddada dalka u diray fariin ku saabsan midaynta eedaanka afurka iyo suxuurta.

Ugu horayn wasiirku waxa uu ka hadlay muhiimadda iyo qiimaha ay leedahay bisha barakaysan ee Ramadaan iyo fadaa’isha ku jirta ee u baahan in laga faa’iidaysto, wuxuuna intaas raaciyey inay haboon tahay in lagu shukriyo nimcada kale ee illaahay inoogu deeqay xiligan aynu ku gudo jirno bisha Ramadaan ee Roobabku ka da’ayaan guud ahaan gobollada dalka, isagoo xusay in bishu inoo bilatay iyadoo uu jiro xannuunka  Korona Fayras dadka qaarkoodna uu ku dhacay in badan oo bulshada ka mid ahina ay cabsi ugu jirto, wuxuuna wasiir Sheekh Khaliil u duceeyey dadka uu asiibay xannuunkaasi in illahay caafimaad siiyo inta kalena uu ka badbaadiyo.

Geesta kale, wasiirka diinta iyo awqaaftu waxa uu fariin u diray guud ahaan mu’adimiinta masaajiddada dalka oo uu ku booriyey inay ilaaliyaan wakhtiga eedaanka maqrib, isagoo ku dheeraaday masuuliyadda ay mu’adimiintu u hayaan bulshada isla markaana ay ka masuul yihiin wakhtiga afurka, oo uu sheegay in khaladka ka dhaca xiliga afurka uu ka masuul yahay mu’adinku, wuxuuna wasiirku ka digay in wakhti ay caddeedu soo jeedo la eedaamo isla markaana ay mu’adimiintu masuuliyad weyn iska saaraan ilaalinta wakhtiga eedaanka, iyadoo arrintaasi ay tahay waajib saaran oo illaahay kala xisaabtamayo maalinta qiyaamaha.

Sheekh Khaliil waxa uu xusay in Idaacadda Quraanka kariimka ah iyo Idaacadda Radio Hargeysa labadaba uu yaalo jadwalka eedaanka ee loogu talo galay bisha Ramadaan, iyadoo ay haboon tahay in la dhageysto si looga fogaado khalad ka yimaada xiliga eedaanka afurka ee maqribka, sidoo kalena jadwalkaas eedaanku waxa uu gaadhay guud ahaan masaajiddada dalka oo dhan, ayna haboon tahay in lagu dhaqmaa inta lagu gudo jiro bisha barakaysan ee Ramadaa.

Sidoo kale, wasiirka diinta iyo awqaaftu waxa uu mu’adimiinta u soo jeediyey in wakhtiga suxuurta laga taxadaro in bulshada la jaho wareeriyo oo masaajidkastaa xilkiga uu doono uu eedaamo wuxuuna wasiirku mu’adimiinta faray in xiliga suxuurta la eedaamo saddexda iyo shan iyo afartan daqiiqo (3:45Am) isla markaana ay haboon tahay in mu’adinka ka habsaama wakhtigaas uu iska daayo eedaanka maadaama oo uu sunne yahay si aan dadku ugu khalkhalin.

 

Category