Somaliland Oo laga Helay  Sadex Qof  Oo Qaba Xanuunka Covid-19

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cabdillaahi Badde Oo Warbaahinta kula Hadley Magaalada Hargeysa ayaa Xaqiijiyey in Saddex qof oo cusub Qaba Xanuunka Coronavirus laga helay Gudaha Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Waxaa Uu sheegay in Dadkaasi laga Helay Caabuqa Covid-19 ay Laba qof joogaan Caasimadda Hargeysa Halka Hal qof-na Uu Joogo Magaalada Boorama Ee Xarunta Gobolka Awdal.

 

Tirada guud ee hadda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ku dhawaaqday ee Qaba Xanuunka Covid-19 ayaa noqonaysa guud ahaan 5-ruux.

 

Category