Madaxweynaha Somaliland Oo Lagu Soo Dhaweeyey  Degaanada Wadaamagoo iyo  Caynaba

Caynaba(RH)Shacab-weynaha ku dhaqan degmada Wadaama-goo ee gobolka Saraar, ayaa si ballaadhan usoo dhaweeyey wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

 

Guud ahaanba shacabka ku dhaqan degamada Wadaama Goo oo isugu jira madaxda dhaqanka, aqoonyahanka, dhallinyarada, haweenka iyo siyaasiyiinta, ayaan u kala hadhin soo dhaweynta madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana ay muujiyeen taageerada luxdan ee ay u hayaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.

 

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa dadweynaha goob fagaare ah kala hadlay, waxana ay ka mahadceliyeen soo dhaweynta diirran ee lagu qaabilay, iyaga oo ku dhiirrigeliyey inay sii adkeeyaan is kaashiga iyo wax wada qabsiga.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu la hadlay shacabka ku dhaqan degmada Wadaama Goo, ayaa si kal iyo laab ah u bogaadiyey dadweynaha reer Wadaama Goo, waxana uu kula dardaarmay inay xoojiyaan ammaanka, kuna dedaalaan wax wada-qabsiga iyo is kaashiga.

 

Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa  soo dhaweyn ballaadhan loogu sameeyey magaalo madaxda gobolka Saraar ee Caynaba iyo deegaannada dhinaca galbeed kaga teedsan.

 

Shacabka ku dhaqan magaalada Caynaba oo isugu jira madax-dhaqameed,  aqoonyahanka, culimada, dhallinyarada, haweenka iyo siyaasiyiintu, isla markaana ay hormood u yihiin maamulka gobolka Saraar iyo ka degmada, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga horyimi dhinaca galbeed ee magaalada, waxana ay iyaga oo lulaya calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan u galbiyeen dhinaca fagaaraha khayriyada magaalada halkaas oo ay madaxweynaha iyo weftigiisu shacabka kala hadleen.

 

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ku gudo jira socdaalkooda shaqo ee ay ku marayaan qaar kamid ah gobollada dalka, ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Caynaba kala hadlay goob fagaare ah, waxana ay uga mahadceliyeen soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen.

Badhasaabka gobolka Saraar, Mudane Axmed Maxamed Xaashi Ducaale oo hadal kooban ka jeediyey goobtaas, ayaa shacabka ku bogaadiyey sida milgaha leh ee ay weftiga madaxweynuhu hoggaaminayo usoo dhaweeyeen, isaga oo  xukuumaddana ku ammaanay mashaariicda ay  gobolka Saraar ka fulisay.

 

Wasiirka Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Marwo  Hinda Jaamac Gaanni, ayaa iyaduna bulshada ku dhaqan gobolka Saraar iyo deegaannada hoos yimaadda uga mahadnaqday soo dhaweyntooda, waxana ay shacabka ku adkaysay inay sii xoojiyaan taageerada ay u hayaan xukuumadda talada haysa.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna oo khudbad u jeediyey bulshada ku dhaqan magaalada Caynaba, ayaa si mug leh uga mahadceliyey soo dhaweynta aan kala hadhka lahayn ee lagu qaabilay, isaga oo ku boorriyey shacabka inay adkeeyaan midnimada iyo wada jirka dhexdooda ah.

 

Madaxweynuhu waxa uu shacabka soo dhaweeyey uga warramay ujeeddada safarkiisa oo salka ku hayo oo uu ku sheegay sidii uu fursad isla-xisaabtan u siin lahaa shacabkii soo doortay, “Safarkayagu waxa uu ahaa dadkii na doortay inaannu is horgeynno, ardayguna marka sanad-dugsiyeedka loo xidhayo warqad baa loo dhibaa oo  maxaad keentay baa la yidhaahdaa, xisbiyada iyo madaxweynaha la doortayna dadkii  awoodda u dhiibtay baa yidhaahda  awooddii aannu kuu dhiibnay xaggeed geyseen, markaa imika waxannu hortiinna ugu soo noqonnay inaad imtixaankii naga qaaddaan, illayn codka idinkaa leh oo idinkaa woodda noo dhiibtaye,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  waxa uu farriin dardaaran ah u diray guud ahaan shacabka reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan gobolka Saraar ee soo dhaweynta u sameeyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Farriintaydu waa inay Somaliland mid wada tahay, qoys qoys ma kala nihin, degmooyinkiina way tartamayaan, laakiin tartankaasi waa inuu dhisaa Somaliland oo mid ah oo wax wada leh oo hore u socota dhisaa.”

 

Category