Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Tababar U Soo Xidhay Saraakiil Soo Dhamaysatay Dugsiga Tababarada Ee Darar-weyne

Hargeysa(RH)Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa tababar u soo xidhay dufcad kamida ciidamada qaranka Somaliland oo tababar uu ugu soo dhamaaday dugsiga tababarka ee Dararo-weyne.

Munaasibad ballaadhan oo loo qabtay qalin-jebinta saraakiishan ayaa waxa ugu horayn faah-faahin ka bixiyay duruusta iyo tababarada ay qaateen ciidamadani Taliyaha tababarada ee ciidanka qaranka Somaliland waxaana uu sheegay in ciidamadani la baro wadaniyadda, difaaca dalka iyo dad la dhaqanka oo ah shayga ugu horeeya.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka qaranka Somaliland oo halkaasi hadalo guubaabo ah ka jeediyay ayaa sheegay in ciidamada qaranka Somaliland ay kamid yihiin ciidamada ugu asluubta iyo dad la dhaqanka wanaagsan afrika, waxaanu intaasi ku daray taliyuhu in saraakiishan la baray qaabkii ay u ilaalin lahaayeen ee ay ula-dhaqmi lahaayeen bulshada reer Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo munaasibadaasi soo xidhay ayaa ciidamadan ku guubaabiyay inay daafacaan dalka Somaliland sidoo kalana ay ka qayb qaataan dadaalada horumarineed ee bulshada, Madaxweyne ku-xigeen ku waxa uu xusay in ciidamada qaranka Somaliland lagu majeerto dhaqan wanaag waxaanu yidhi "Waxaan hambalayaynayaa saraakiishan maanta tababarku usoo xidhmay, waxaan kula dar-daarmayaa inay u diyaar-garoobaan inay difaacaan diinta,dalka iyo dadka Somaliland, waxaan kaloo kula dar-daarmayaa inay ilaaliyaan anshaxa iyo asluubta dad la dhaqanka, waxaan ka warqabnaa in ciidamada qaranka Somaliland yihiin ciidamo ku wanaagsan dad la dhaqanka lagama soo sheego war xun waan hambalyaynayaa" ayuu yidhi Madaxweyneku-xigeenka somaliland.


Gabo-gabadii waxa halkaasi abaal-marino iyo shaahdooyin lagu guddonsiiyay saraakiishii ugu saraysay tababarka.

 

Category