
Nairobi (RH)-War goordhow naga soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya buuq iyo sawaxan inuu ka dhacay kulan maanta xildhibaannada baaarlamaanku lahaa.
Buuqa ayaa billowday, markii afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) uu ku adkaystay in uu xasaannadiisi lumiyey xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ka soo jeeda gobolka Awdal kaas oo dhowaan go'aan laga soo saaray.
Xildhibaan Cabdullaahi Xaaashi Abiib oo hadda Soomaaliya ka maqan ayaa si weyn u dhaliila dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud taas oo keentay in xasaannada laga qaado.
Xildhibaannada Mucaaridka oo arrinkan diiday ayaa sheegay in ay xilka ka qaadayaan Guddoomiye Aadan Madoobe waxana halkaas ka dhacay buuq sabab u noqday in Golaha fadhiigisii la soo xidho.